SO | EN

SO | EN

Hawlgallo ka dhan ah Al-Shabaab oo ka socda Shabeelaha Dhexe

|

Xawaadley(KAAB TV)- Ciidamada Xoogga Dalka ayaa howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka billaabay deegaanno katirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe ee Maamulka Hir-Shabeelle gaar ahaan Deegaanka Xawaadley, waxaa ka dhacay weerar duqayn ah oo lagu beegsaday Al-Shabaab sida wararku sheegayaan.

Saraakiil katirsan ciidamada Xoogga Dalka ayaa sheegay Warbaahinta in howlgalkooda uu kusii dhowaanay deegaanno dhowr ah oo Al-Shabaab isaga baxeen kaddib markii culays xooggan ay saareen isla markaana duqaymo ku beegsadeen sida hadalka ay u dhigeen.

Ciidamo kooban oo kuwa deegaanka ah ayaa wehliya ciidanka Xoogga Dalka ee howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab kawada Gobolka Shabeelaha Dhexe, Maamulka Hir-Shabeelle ayaa sheegtay in ay ka go’an tahay in ay gacanta ku dhigto deegaannada gacantooda ka maqan.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News