SO | EN

SO | EN

Hay’adaha amniga Puntland oo ka hadlay gabar lagu dilay Garoowe

|

Garoowe (KAAB)- Hay’adaha amniga maamul goboleedka Puntland ayaa maanta oo Isniin ah kulan ku yeeshay magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal ee Puntland.

Waxaa ka qayb galay , kulankan Saraakiisha amniga maamulka Puntland kuwaas oo soo bandhigay natiijada howlgalo joogta ah oo ciidanka amniga ay ka fuliyen deegaanada Puntland.

Inta uu kulanka socday  Taliska booliiska gobolka Nugaal ayaa in gacanta lagu soo dhigay eedeysane  ka dambeeyay dilka gabadh dhallinyaro ah oo lagu dilay magaalada Garowe.

Gabadhan oo lagu magacaabi jiray Happy Maxamed Cumar ayaa si xun loogu dilay Tooreey, waxaana maydkeeda laga helay meel wado ah

Laamaha amniga ayaa   dilka gabadhaas usoo xiray 13 eedeysane oo u badnaa dumar ay isla  deganaayeen marxuumaddu  la dilay.

Taliye ku xigeenka booliiska  Nugaal, Maxamuud Fardafuul ayaa sheegay in gacanta lagu hayo nin lagu magacaabo Beder Xasan Cabdiwaaxid  oo la xaqiijiyay inuu ka dambeeyay dilka gabadhaan.

Saraakiisha ayaa la furay in ay dar dar galiyaan howlgalada ka dhanka ah  kooxaha falalka amni ka gaysnaya magaalada Garoowe ee caasimada maamul goboleedka Puntland.

 

 

 

 

 

 

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News