SO | EN

SO | EN

Hay’adda Duulista oo soo faro-gelisay dood ka taagan garoonka Aadan Cadde

|

Muqdisho (Kaab TV)– Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo maanta qaaday tallaabo culus ayaa faro-gelisay dood ka taaganeyd labadii maalin ee lasoo dhaafay ee ka taagneyd garoonka diyaarada ee Aadan Cadde.

Taasi oo caqabad kunoqotay isu socodka garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho Hay’adda Duulista ayaa xaqiijisay in maalmihii udambeyay ey soo gaaraayeen eedo ku saabsan rakaabka ku daaha gudaha garoonka gaar ahaan qeybta Terminalka garoonka.

Hay’adda Duulista ayaa soo saartay qodobo kusocda dhamaan shirkadaha diyaaradaha, waxayna kala yihiin.

1-In aan rakaab lasoo xareyn karin waqti ka badan 3 saac kahor, xilliga ay diyaaraddu kici lahayd.

2-In laga bilaabo 2-05-2023 eysan rakaab soo xareyn karin shirkad aan haysan diyaaraddii ay rakaabka ugu adeegi lahayd.

3-Shirkaddii jebisaa qodobada kor ku xusan waxaa lala tiigsan doonaa sharciga, waxayna wajihi doontaa ciqaab waafaqsan Sharciga Duulista Rayidka Soomaaliyeed.

Garoonka diyaaradaha Muqdisho oo ah mid mashquul badan ayaa waxaa maalin walba isaga kala gudba diyaarado u baxa gobollada dalka iyo kuwo caalami ah oo isaga kala gudba waddamada kale ee ku yaala caalamka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News