Muqdisho (KAAB TV) – Hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed ayaa war kasoo saartay qal qalka kajira hawada Soomaaliya, kadib markii diyaarado badan oo isticmaalaayay hawada Soomaaliya lagu qal qal galiyay.
Sidoo kale, Warsaxaa-fadeed aya soo saartay hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in diyaaradaha isticmaala hawada Soomaaliya ay badqabkooda gacanta kuheyso, waxa ayna fariin udirtay shacabka Soomaaliyeed iyo shirkadaha duulimaadyada.
Dhanka kale, Warsaxaa-fadeedka ayaa waxa uu intaasi kudarayaa in hawada Soomaaliya aysan kajirin amni xumo iyo badqab xumo.
Warsaxaa-fadeedkan ayaa yimid kadib markii ay labo diyaaradood ay kusigteen in ay shil kugalaan hawada Soomaaliya, iyadoona taas lagu sheegay in labadaas diyaaradood lagu hagay labo cabir oo isku mid ah amaro khaldana lakala siiyay, diyaardahaasi aay waxaa lasheegay in ay kala ahaayeen Ethiopian Airlines iyo Qatar Airways.
Diyaaradahan ayaa markoodii hore kasoo kala duulay magaalooyinka Doha iyo Addis Ababa waxa ayna kula kala jeedeen Uganda iyo Dubai, iyagoona khatar halis badan kugalay hawada gobolada Waqooyi.
Diyaaradahan oo ku kala socday labo qad ayaa la isku hagay, waxaana la isugu keenay hal qad si ay isugu dhacaan, balse waxay ku kala badbaadeen daqiiqado aad u yar.
Amarka khaldan ee diyaaradahan khatarta lagu geliyay ayaa waxaa laga siiyay magaalada Hargeysa, lakiin labada duuliye ayaa kuguuleystay in ay daartaan calaamadaha khatarta digniinaha, iyagoona labada duuliye ugu dambeyn kuguuleystay in ay kala bad-baadaan labada diyaaradood.