SO | EN

SO | EN

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Oo Daahfurtay Adeegga Isku-Xirka Shirkadaha Isgaarsiinta Dalka

|

Muqdisho (Kaab TV) -Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo muddo dheer ka soo shaqeneysay hirgelinta adeegga Isku-xirka Shirkadaha Isgaarsiinta ayaa xalay ku daahfurtay munaasabad lagu qabtay Hotel Jazeera ee magaalada Muqdisho.

Munaasabadda oo uu daahfuray Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa madax ka tirsan dowladda Federaalka oo uu ugu horreeyay Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknoolojiyadda, Mudane Jaamac Xasan Khaliif, xubno ka tirsan Gollaha Wasiirada iyo masuuliyiin ka socday dhammaan shirkadaha Isgaarsiinta iyo bankiyada dalka.

Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta, Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh, ayaa ka hadlay marxaladihii loo soo maray hirgalinta adeegga Isku-xirka Shirkadaha Isgaarsiinta.

“Hirgelinta adeegga Isku-xirka wuxuu horseedi doonaa wanaajinta adeegyada Shirkadaha Shatiga Isgaarsiinta leh ay siiyaan macaamiisha iyo horumarinta kaabayaasha Isgaarsiinta Soomaaliya. Marka laga soo tago adeegga Isku-xirka in uu yahay baahi iyo xaq uu macmiilku leeyahay, waxa uu sidookale halbeeg muhiim ah u yahay kobaca suuqa isgaarsiinta iyo maalgashiga teknoolojiyadda iyo hal-abuurka.” Ayuu yiri Maareeye Mustafa Yaasiin Sheekh

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Oo Daahfurtay Adeegga Isku-Xirka Shirkadaha Isgaarsiinta Dalka.

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo muddo dheer ka soo shaqeneysay hirgelinta adeegga Isku-xirka Shirkadaha Isgaarsiinta ayaa xalay ku daahfurtay munaasabad lagu qabtay Hotel Jazeera ee magaalada Muqdisho.

Munaasabadda oo uu daahfuray Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa madax ka tirsan dowladda Federaalka oo uu ugu horreeyay Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknoolojiyadda, Mudane Jaamac Xasan Khaliif, xubno ka tirsan Gollaha Wasiirada iyo masuuliyiin ka socday dhammaan shirkadaha Isgaarsiinta iyo bankiyada dalka.

Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta, Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh, ayaa ka hadlay marxaladihii loo soo maray hirgalinta adeegga Isku-xirka Shirkadaha Isgaarsiinta.

“Hirgelinta adeegga Isku-xirka wuxuu horseedi doonaa wanaajinta adeegyada Shirkadaha Shatiga Isgaarsiinta leh ay siiyaan macaamiisha iyo horumarinta kaabayaasha Isgaarsiinta Soomaaliya. Marka laga soo tago adeegga Isku-xirka in uu yahay baahi iyo xaq uu macmiilku leeyahay, waxa uu sidookale halbeeg muhiim ah u yahay kobaca suuqa isgaarsiinta iyo maalgashiga teknoolojiyadda iyo hal-abuurka.” Ayuu yiri Maareeye Mustafa Yaasiin

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknoolojiyadda, Md. Jaamac Xasan Khaliif ooka hadlay xafladda ayaa ku sifeeyay hirgelinta adeeggan in ay tahay guul Soomaaliyeed & Dadaal dheer kaddib waxaa inoo suuragalay inaannu ku guuleysanno hirgelinta adeegga Isku-xirka, guushaan waa mid aannu wada leennahay, waa guul Soomaaliyeed, waa guul qaran" ayuu yiri Wasiir Jaamac.

Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa aad u bogaadiyey kaalintii ay hey’adda Isgaarsiinta Qaran iyo Shirkadaha Isgaarsiintu ku lahaayeen hirgelinta adeegga Isku-xirka Shirkadaha wuxuuna sheegay in Hirgelinta adeeggan uu yahay sharci waddan oo la fuliyey iyo xuquuq shacab oo la siiyay.

Ugu dambeyn, si adeeggan Isku-xirku looga dhigo mid guulaysta, waxaa dammaanad-qaadday hirgelintiisa Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, iyadoo fulineysa dhammaan shuruucda iyo xeer-nidaamiyeyaasha khuseeya arrintan.

Ujeeddada laga leeyahay adeeggan waa sidii shacabka loogu fududeyn lahaa adeegyada isgaarsiinta dalka, loona dhiirrigelin lahaa tartan ku dhisan adeeg iyo qancin macaamiil. Hirgelinta Adeegga Isku-xirka waxay guul u tahay Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Shirkadaha Isgaarsiinta iyo guud ahaan dalka oo dhan.

hay’adda isgaarsiinta qaranka oo daahfurtay adeegga isku-xirka shirkadaha isgaarsiinta dalka

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News