MUQDISHO (KAAB TV) – Kulan xasaasi ah oo ay maanta yeesheen Maxamuud Macallin Cabdulle oo ah Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya (SODMA) ayaa isugu yeeray Kooxda Bani’aadamnimada ee Soomaaliya (HCT) oo uu hoggaaminayay ku xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya George Conway.
Dooddu waxay ku saabsanayd xaaladaha bini’aadantinimo ee ba’an ee ragaadiyay qaranka, halkaas oo in ka badan 6.9 milyan oo qof ay u baahan yihiin gargaar degdeg ah. Kulanka ayaa lagu soo bandhigay culeyska ba’an ee heysta kheyraadka Soomaaliya, waxaana uga sii daray musiibooyinka dabiiciga ah iyo dagaallada socda.
Guddoomiye Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa carabka ku adkeeyay dadaalka hagar la’aanta ah ee SoDMA tan iyo markii dib loo howlgeliyay, isagoo hoosta ka xariiqay sida ay dowladda uga go’an tahay ka hortagga iyo yareynta musiibooyinka.
“Inkasta oo ay jiraan caqabado, SoDMA waxay si hagar la’aan ah uga shaqaynaysay yaraynta saamaynta masiibooyinka,” ayuu yiri Cabdulle. Wuxuu qeexay sida ay dowladdu diyaarka ugu tahay gudashada waajibaadkeeda, wuxuuna tafaasiil ka bixiyay hababka wada shaqayneed ee lagama maarmaanka u ah qaybinta gargaarka.
Guddoomiye Macallin ayaa sidoo kale ka hadlay Madasha Gargaarka Bani’aadannimo ee dhawaan ka dhici doonta Soomaaliya, isagoo ku nuux-nuux saday muhiimadda ay munaasabaddani u leedahay isku xirka dadaallada gargaarka caalamiga ah. Waxa uu ka hadlay hindisayaasha hay’adda ee ka hortagga leexinta gargaarka, yaraanta ilaha dhaqaale, iyo baahida degdegga ah ee loo baahan yahay in la xoojiyo u diyaargarowga musiibooyinka, kobcinta awoodda, iyo hagaajinta xeeladaha daadgureynta iyo isku-duwidda.
Wadahadalka u dhexeeya SoDMA iyo kooxda Qaramada Midoobay ayaa astaan u ah tallaabo muhiim ah oo loo qaaday wax ka qabashada dhibaatooyinka wajiyada badan leh ee ka jira Soomaaliya, iyadoo la hiigsanayo jawaabo bini’aadanimo oo habaysan oo hufan mustaqbalka.