Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay 4 xubnood oo ka tirsan AS oo watay walxaha qarxa, kadib howlgal qorsheysan oo laga sameeyay magaalada Muqdisho.

|

Muqdisho (KAAB TV) – Ciidamada Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA), ayaa xalay hawlgal qorsheysan waxa ay ka sameeyeen Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Somaliya iyadoo lagu soo qab qabtay dad lagu soo eedeeyay inay ka tirsan yihiin Ururka Al Shabaab.

Ciidamada NISA ayaa tilmaamay in gacanta lagu dhigay afartan xubnood iyo walxaha qarxa oo ay wateen kadib howlgalo adag oo ay ka sameeyeen magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA), ayaa qoraal ay soo saartay waxay ku sheegtay in hawlgalada adag ay ku soo qab qabteen rag la sheegay inay qorsheynayeen inay falal amni darro ka geystaan ​​Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Somaliya.

“Ciidamada NISA ayaa howlgalo adag oo ay ka sameeyeen magaalada Muqdisho waxa ay ku soo qabteen afar dhagar qabe oo ka tirsan Al-Shabaab kuwaasi oo maleegayay qaraxyo miino oo ay damacsanaayeen falal amni daro” ayaa lagu yiri qoraalka.

Ciidamada dowladda Federaalka qeybahooda kala duwan ayaa maalmihii la soo dhaafay xoojiyey howlgallada ay ka wadaan magaalada Muqdhso kadib weerarkii dad badan lagu dilay ee ka dhacay xeebta Liido.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News