SO | EN

SO | EN

Hay’adda Sirdoonka Ruushka oo fashilisay isku day lagu qaarajin rabay mas’uul shirkadeed

|

Moscow (KAAB TV) – Hay’adda sirdoonka Ruushka ee FSB, ayaa soo bandhigtay howlgal ay fashiliyeen oo ay Ukraine ku doonaysay in lagu dilo madaxa shirkad ka shaqeysa arrimaha difaaca oo ku sugan gobolka Belgorod.

Sidoo kale, Dilkan waxaa loo adeegsaday inuu fuliyo muwaadin u dhashay Ruushka oo lacag ku qaadanayay, iyadoo xiriirka uu la lahaa sirdoonka Ukraine uu ka socday barta Telegram-ka, balse isla markii uu ku socday halka uu dilka ka fulin lahaa waxaa gacanta ku dhigay sirdoonka Ruushka oo ka war helay isku daygan dil, sida uu baahiyay telefishinka Ruushka ee RT.

Dhanka kale, wakaaladda wararka ee Reuters, ayaa ku sheegtay inuusan Putin, waxba ka soo qaadin farriimaha uga imaanaya Trump, gaar ahaana soo jeedintii u dambeysay oo Trump uu ku baaqay in la joojiyo dagaalka Ukraine, taa oo haddii aysan dhicin ka hor 8 bishan Agust uu ku hanjabay in canshuur dheeraad ah oo go’doominaysa Ruushka uu ku soo rogi karo, balse Putin wuxuu u arkaa cunaqabateyn kasta oo cusub inaysan ka duwanayn cunaqabateyntii hore u saarnayd Ruushka.

Sidoo kale, Putin wali waxaa si buuxda uga go’an inuusan wax wadahadal ah la galin reer galbeedka illaa uu ka qabsanayo afarta gobol ee Ukraine — Donetsk, Luhansk, Zaporizhzhia, iyo Kherson.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News