SO | EN

SO | EN

Hay’adda Sirdoonka Soomaaliland oo raadineysa taageerayaashi xisbiga Kulmiye ee watay Hubka

|

Hargeysa (KAAB TV) – Hay’adda Sirdoonka maamulka Somaliland ayaa markii ugu horraysay ka hadashay qaar kamid ah taageerayaasha xisbiga Kulmiye oo lagu arkay bistoolado iyo qoryo.

Sidoo kale, war rasmi ah oo ka soo baxay hay’adda Sirdoonka Somaliland ee NIA ayay lagu sheegay in tallaabo laga qaadi doono qaar kamid ah taageerayaasha Kulmiye oo bistoolad iyo qoryo ku soo bandhigay ololihii xisbigaasi ee Hargeysa.

Dhanka kale, hay’adda Sirdoonka ayaa sheegtay in lagu dabo jiro lana soo xiri doono raggan oo rasaas ka ridayay xaafado kamid ah Hargeysa islamarkaana la soo baxay bistoolado iyo qoryo taasi oo cabsi abuurtay.

“Budhcadii qoryaha sidatay ee rasaasta ridaydaysay ee sababtay qaska, isla markaana khatarta galisay nafta shacabka intii uu socday ollolaha xisbiga Kulmiye, waa lagu raad joogaa, dhawaana waala soo xidhi doonaa” ayaa lagu yiri qoraalka hay’addaasi.

Saraakiil ka tirsan xisbiga Waddani oo warbaahinta la hadlay, ayaa laamaha ammaanka ugu baaqay in wax laga qabto kooxaha rabshadaha sameeyay, iyaga oo sheegay in ay khatar amni keeni karaan.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News