Muqdisho (KAAB TV) – Guddoomiyaha hay’adda maaraynta musiibooyinka Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Soomalia u fadhiya ururka Iskaashiga Islaamka H.E. Ambassador, Mohamed Bamba M. Boba.
Sidoo kale, ujeedka kulanka wuxuu ahaa in kaalmo lacageed guddoonsiiyo hay’adda SODMA kaalmadaas oo dhan $50,000 oo dollar, taas oo ay balan qaadeen Islamic Solidaarity fund (ISF) booqashadoodii ay ku imaadeen xarunta hay’adda maaraynta musiibooyinka bishii febarayo 2023, si abaaraha wax looga qabto.
Dhanka kale, Guddoomiyaha hay’adda SODMA Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa uga mahad celiyay ISF iyo OIC, garab istaagga ay u muujiyaan umadda Soomaaliyeed markasta iyo marxalad waliba oo ay marayaan.
Ugu dambeyn, safiir Bamba ayaa ballan-qaaday in uu si dhaw ula shaqeyn doono hay’adda SoDMA oo wadda howlo aad u baaxad wayn si Soomaaliya ay uga baxdo dhibaatada bani’aadannimo ee haysata.