SO | EN

SO | EN

Amnesty International: Waa in la baaro xadgudubyada ciidanka Somaliland ka geysanayaan Laascaanood

|

6-dii Febraayo, maalintii koowaad ee dagaalka Laascaanood, Rayaan Cabdullaahi Axmed, oo 7 jir ah, ayaa lagu dilay rasaas madaxa ka haleeshay, iyadoo ku jirta guriga eeddadeed oo ku yaalla xaafadda Samalay, ee koonfurta Laascaanood.
Ma ahan keligeed dadka rayidka ee sida xaqdarrada loogu dilay Laascaanood. In ka badan 100 qof ayaa ku dhintay, in ka badan 600 oo qofna waa ay ku dhaawacmeen oo ay ku jiraan tobaneeyo qof oo rayid ah. Tirada dadka la barakicay ayaa u dhexeysa 154,000 illaa 203,000 oo ay ku jiraan haween, carruur iyo waayeel.
Hay’adda Xuquuqda Aadanaha Amnesty International ayaa maanta soo saartay baaritaan ay ku sameysay xadgudubyada ciidanka Somaliland ay ka geysanayaan Laascaanood oo ay ku jiraan in si aan kala sooc lahayn ay u duqeeyeen magaalada, waxyeello u geysteen isbitaallo, dugsiyo iyo masaajid, dil iyo dhaawac u geystay dad rayid ah, iyagoo barakiciyey tobanaan kun oo qof.
Amnesty iyadoo adeegsaneysa wareysiyo dhibbanayaasha, ehellada dadka la laayey, dhakhaatiir, iyo xitaa wareysiyo lala yeeshay maamulka Somaliland ayey falanqeysay baaxadda dhibaatada Laascaanood. Waxay sidoo kale adeegsatay satellite-ka oo u sahlaya inay toos u qiimeyso guryaha, isbitaallada iyo masaajidda la duqeeyay. Duqeynta ayaa loo adeegsaday hubka waaweyn ee qarxa oo uu ku jiro gantaallada 107mm iyo hoobiyaal oo ay mamnuuc tahay in goobaha rayidka loo isticmaalo.
Amnesty waxay maanta dalbatay in baaritaan deg deg ah lagu sameeyo kuwa geysanaya xadgudubyada ka dhacaya Laascaanood ee ka dhanka ah dadka rayidka.
“Dhammaan dhinacyada isku haya Laascaanood waa inay joojiyaan weerarrada aan loo meel dayin, oo ay u guntadaan ilaalinta dadka rayidka ah, ayna ixtiraamaan xeerarka u degsan sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada. Isbitaalada iyo ambalaasyada waa in aan marnaba la bartilmaameedsan. Waa in uu jiraa baaritaan madax-banaan oo lagu sameeyo dhammaan xadgudubyada xuquuqda aadanaha iyo sharciga bini’aadantinimada si loo xaqiijiyo la xisaabtanka kuwa mas’uulka ka ah iyo magdhowga dhibanayaasha,” ayuu yiri Tigere Chagutah, Agaasimaha Gobolka ee Amnesty International ee Bariga iyo Koonfurta Afrika.
Halkan Hoose ka agriso Warbixinta Amnesty.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News