MOGADISHU (KAAB TV) –Muxuu Hassan Sheikh ka damacsan yahay Khilaafka Dawladda Federaalka iyo Madasha Samatabixinta?
Qorshaha Hassan Sheikh baa ah inuu heshiis maaweelo ah la galo PL, JL, sidaa ku wiiqo Awoodda Madasha Mucaaradka, si ka duwan xiligii uu mucaaradka ahaa, Caasimadda ka dhigo meel awoodda ciidan si buuxda gacantiisa ugu jirto, taasoo ka dhigan inuu awood u helo inuu xiligii uu doono, ku haboon Xabsiga dhigi karo Madaxda DG-yada & Madasha mucaaradka, shirqooli karayo, waa haddii uu ku guuleysto, ka hor istaago madaxda madasha Mucaaradka in hub culus ku dhex wadan karin Muqdisho, si ka duwan xiligii Hassan Shiikh uu dawladdii Farmaajo mucaaradka ku ahaa, arintaan oo ah midda horseedi doonta dagaal Muqdisho ka dhaca.
Sidoo kale isku dayo qaab jilitaan ah xili caalamka ka wada aamin baxay inuu dhamaan dawladaha iyo hayaddaha daneeya Somalia xiriir la yeesho (USA, UK, EU countries, UN, IFIs, China, Turkey, UAE, Qatar, Saudi Arabia, Ethiopia, Kenya, Egypt, Jabuuti, Eritrea, inta uu doorashada ka boobayo, ka gudbayo, dal kasta madaxa u salaaxo, u fasaxo faragelin iyo danta Somalia ka leeyihiin, heshiisyo sharciyad haysan u saxiixo, wadamadaa kaliya ka ilaaliyo in Madasha Samatabixinta Mucaaradka Muqdisho xariir la yeeshaan, taageero dhaqaale & mid siyaasadeed siiyaan, ka hadlin boobka hantida guud, barakicinta shacabka, dhaqaalaha uu ka samaynayo boobka hantida dalka oo doorashada, dagaalada ka dhanka ah DG-ya iyo Mucaaradka u isticmaalayo, danbi caalami ah lagu soo oogin.

