Baydhabo (KAAB ) Kol hore magaalada Baydhabo ee gobolka Baay waxaa ka dhacay heshiis siyaasadeed ujeedkiisu ahaa dhamaynta khalalase siyaasadeed oo ka dhashay waqtiga la qabanayo doorashada maamulka Koonfur Galbeed.
Heshiis siyaasadeedkaas qodobo ku jiray waxaa ka mid ah in maamulka hadda jira ee Lafta Gareen uusan culays saarin oo siyaasiinta deegaanadaas u ogolaado in si hufnaan ah ugu qayb qaadan karaan ololaha siyaasadeed iyo dhaq dhaqaaqa xoriyadeed .
Magaalada Baydhabo waxa ay ka baxday hubinta la’aantii siyaasadeed ka dib heshiiskii ay wada gareen mucaaradka iyo maamulka Koonfur Galbeed waxase dhaqan galkiisa tusaalle u noqon doono habka dhaqanka maamulka jira ee ku wajahan siyaasiinta.
Xubnaha Baydhabo ku sugan waxaa ka mid ah Dr Maxamed Ibraahim Bilaal oo ah aqoonyahanada dadaalka badan ku bixiyay hergalka siyaasad sal- dhigan u ogolaanaysa dhinacyada in si daahfuran uga qayb galaan Ololaha siyaasadeed.
Dr Bilaal oo u taagan kursigii uu ka dhintay AUN , xildhibaan Boorow ee HOP 176 – ayaa kulamo halkaas kula qaadaya Madaxwaynaha Koonfur Galbeed iyo qaybaha bulshada ee iska leh kursigan oo mataaladiisa ay ka maqan- tahay Golaha shacabka ee Barlamaanka Soomaaliya.
Inkastoo Odayaasha dhaqanka ee iska leh kursigan ay sheegayaan in Dr Bilaal uu yahay qofka ay la doonayaan , haddana waxaa soo baxaya warar hor dhaca ah oo sheegaya in maamulka Koonfur Galbeed uu – u doonayo inuu qaado talaabooyin gacan- bidixaysi ah .
Warar laga helayo shirarka socda ee diirada lagu saarayo kursiga sumadiisa ay tahay hop176 ayaa sheegaya in ay socoto dood xoogan oo la xiriirta kursigan iyo sida ay tahay in loo maareeyo.
Hadaba maaraynta kursiga HOP176 ayaa tusaalle u noqon doono sida maamulka Koobfur Galbeed ee Cabdicasiis Laftagareen uu u dhaqan- galyo heshiis siyaasadeedkii lagu gaaray magaalada Baydhabo ee gobolka Baay , kaas oo saldhig u ah daafuranaanta ololaha siyaasadeed iyo kuwa dhaqaaqa rabitaanka dadka ee uu ka mid yahay kursiga 176 ee deegaan doorashadiisa ay tahay Koonfur Galbeed.