Muqdisho (KAAB TV) – Xisbiga Himilo Qaran ayaa war saxaafadeed kasoo saaray shubkii lagu qabtay Caabudwaaq.
Xisbigu wuxuu aad uga walaacsanyahay hubka ku soo qulqulaya dalka iyo colaadaha sokeeye ee ka soo cusboonaaday inta badan deegaanada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Xisbiga wuxuu aaminsanyahay masuuliyad darro wayn inay tahay hubka tahriibka ah ee sida dhuumaalaysiga ah lagu soo gelinayo dalka, mas’uuliyad darrada iyo dhibaatada ka dhalatay hubkaas ee dhimasho, dhaawacba iyo khilaaf dadka deegaanbka leh waxaa iska leh Madaxda dowladda Federaalka.
Iyadoo la wada ogsoonyahay in si sharci ah Soomaaliya looga qaaday cunaqabatayntii hubka, ayaa waxaan maangal ahayn in si dhuumaasho ah looga soo tallaabiyo xuduudaha Dalka hub baaxaddaas le’eg qaab aan sharciyada hubka waafaqsanayn. Xisbiga wuxuu aaminsanyahay in hubkaan laga lahaa dano gaar ah oo lagu wax yeelaynayo shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan siyaasiyiinta dowlad Goboleedyada ka aragtida duwan Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka.

Xisbiga Himilo Qaran wuxuu ayaan darro u arkaa in dowladda ku dhumaatto masuuliyadii amni ee dalka ka saarnayd waxaana tusaale u ah: qaraxalada marinhabaabinta ah ee ka soo baxay Golaha Amniga Qaranka iyo wasaaradda Amniga. Xisbiga wuxuu cadaynayaa in uu yahay ku dayasho la’aanta dowlada Soomaaliya uga fadhiyaan wax ka qabashada amni xumada iyo hubka sharci darrada ah.
Xisbiga wuxuu u arkaa in arrintan khatarta hubka uu qarxiyay uu noqon karo ka faa’iidaysi siyaasadeed hubka la bixinayo waxaa sameystay madaxda dowlada federaalka.
Xisbiga wuxuu Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa inay kula xisaabtamaan madaxda Dowladda Federaalka ah xaalada amni xumada ka jirta dalka awgeed.
Ugu danbayn, Xisbiga wuxuu sidoo kale jeedinayaa Dowladda dariska ah inay dhinacooda ka ilaaliyaan qulqulka hubka tahriibka ah ee soo galaya Dalka Soomaaliya kaasoo khatar ku ah amniga Soomaaliya iyo mida geeska Afrikaaba.

