MUQDISHO (Kaab TV) – Xisbiga Himilo Qaran ayaa caawa sheegay in Madaxweyne
Xasan Sheikh Maxamuud qaadi doono masuuliyadda wixii dhibaato ah ee ka dhasha xad-gudubka lagu sameynayo Dastuurka dalka iyo kan dowlad goboleedyadda.
War saxaafadeed kasoo baxay Himilo Qaran ayaa soo baxay waxyar ka dib markii qoraal war murtiyeed uu kasoo baxay Golaha Wadatashiga oo ay ka maqan yihiin Puntland iyo Jubbaland, kaasoo lagu sheegay in golaha baarlamaanka la horgeyn doono sharci doorasho iyo dhismaha guddi doorasho iyadoo aan lagala tashan dhinacyada siyaasadda iyo dhammaan dowlad gobolleedyada.
Xisbiga Himilo Qaran wuxuu sheegay in “Madaxweynaha inuusan sidii uu doono ka yeeli karin taladda dalka, wixii uu shalay diidanaana aan maanta isaga laga aqbali doonin.”