DELHI (KAAB TV) – Muran ayaa ka taagan dalka Hindiya ka dib markii xukuumadda Ra’iisul Wasaare Narendra Modi ay bilawday adeegsiga magaca ‘Bharat’ xilli waraaqo casuumaad ah loo dirayay madaxda adduunka ee kasoo qeybgaleysa shirka G20 ee ka dhacaya dalka Hindiya.
Dad badan ayaa durba la yaaban in in magaca dalka Hindiya la bedelayo oo loo bedelayo Bharat.
Casuumaad casho ah oo Talaadadii loo diray martida ka soo qaybgashay shirwaynaha kooxda 20 (G20), ayaa madaxweynaha Hindiya Droupadi Murmu waxaa loogu yeeray “Madaxweynaha Bharat” halkii la dhihi lahaa “Madaxweynaha Hindiya”.
Isla maalintaas, qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka afhayeen sare oo ka tirsan xisbiga talada haya ee Bharatiya Janata Party (BJP) ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare Narendra Modi uu ka qeyb galayay shir madaxeed ay ku mideysan yihiin Ururka Koonfur-bari Aasiya (ASEAN) ee Indonesia isagoo ah “Ra’iisul Wasaaraha Bharat”.
Sida ku qoran Dastuurka Hindiya oo ah dalka ugu tirada dadka badan adduunka waxaa loo yaqaan Hindiya iyo Bharat. Sidoo Hindustan (“dhulka Hinduuska” ee Urdu) ayaa ah eray kale oo dalkaasi loogu yeero. Saddexda magac ayaa si rasmi ah iyo dadweynuhuba u isticmaalaan.
Si kastaba ha ahaatee, adduunka oo dhan, Hindiya waa magaca ugu badan ee la isticmaalo.
Maxaa adeegsiga ‘Bharat’ u sababtay muran?
Dadka dhaleeceeya dowladda ayaa ku eedeeyay xukuumadda Ra’iisul Wasaare Narendra Modi iyo xisbigiisa Hindu-ga ee BJP inay qorsheynayaan inay magaca u beddelaan Bharat oo keliya.
Magaca waa erey Sanskrit ah oo laga helay buugaag la qoray qiyaastii 2,000 oo sano ka hor. Qoraalsdaasi ayaa tilmaamaya dhul aan caddayn oo la yiraahdo Bharatavarsa, kaas oo ku fidsan xuduudda maanta ee Hindiya illaa Indonesia-da maanta.
Xisbiga talada waddanka haya ee Ra’iisul Wasaare Narendra Modi BJP ayaa mar hore billaabay magac ka beddelka magaalooyinka iyo meelaha taariikh ahaan lala xiriiriyo dadka Mughal iyo taariikhaha gumeysiga. Sannadkii hore, tusaale ahaan, beerta Mughal ee madaxtooyada New Delhi waxaa loo beddelay Amrit Udyan.
Dadka dhaleeceeya Ra’iisul Wasaare Narendra Modi ayaa sheegay in magacyada cusub ay yihiin isku day lagu doonayo in lagu tirtiro taariikhda dadka Mughal, kuwaas oo ahaa Muslimiin ka talin jiray qaarad hoosaadka Hindiya muddo ku dhow 300 oo sano ka hor.
Mucaaradka ayaa uga digay xisbiga BJP inay meesha ka saaraan magaca Hindiya.
balse BJP ayaa ku dooday in magaca “Hindiya” uu yahay haraagii gumeysigii Ingiriiska ee heystay dalka.
Dowladda Hindiya ayaa baaqday kulan gaar ah oo baarlamaanka dalka yeelan lahaa 18-ka ilaa 22-ka Sebtembar, balse ma aysan shaacin wax qorshe ah, taasoo keentay in dadku ay bilaabaan hadalheyn badan oo ku saabsan magac beddelkan.
Si kastaba ha ahaatee, qaar ka mid ah saraakiisha dowladda, sida wasiirka warfaafinta Arunag Thakur, ayaa ku gacan seyray fikradaha ay faafinayaan kooxaha mucaaradka.