SO | EN

SO | EN

Hirshabeelle: Dhimasho iyo dhaawac dagaal ka dhashay lahaanshaha beero Xashiish

|

JOWHAR (Kaab TV) – Ugu yaraan lix ruux ayaa ku dhimatay dagaal culus oo shalay ka qarxay tuulo beeralay ah oo ku taalla inta u dhexeysa magaalooyinka Jowhar iyo Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe ee maamulka Hirshabeelle.

Dagaalka ayaa ka qarxay tuulada Mareerey, halkaas oo ciidan ka amarqaata Taliyaha Booliska Hirshabeelle, Xasan Dhicisow ay weerar ku qaadeen ciidan beeleed kasoo jeeda beesha Shiidle ee Jareer Weyne.

Ilo xog ogaal ah ayaa Kaab TV u sheegay in ciidanka Xasan Dhicisow oo wata baabuur loogu deeqay booliska ay doonayaan inay weeraraan dhul beereed ay leeyihiin beesha Shiidle, taasoo dhalisay dagaal culus oo labada dhinac dhexmara.

Taliyaha Booliska Hirshabeelle Xasan Dhicisow ayaa lagu eedeynayaa inuu leeyahay beero laga soo saaro maandooriyaha xashiishka kuwaas oo Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Guudlaawe uu wax ku leeyahay.

Xiisaddan ayaa waxaa kiciyay ka dib markii maleeshiyaad beeleedka Shiidle ay iyaguna dhulkooda ku beerteen maandooriyaha xashiishka, taasoo keentay, dadka xog ogaalka ah ay sheegayaan in xubnaha xashiiska ka ganacsada ay u arkaan tartan ganacsi oo halis ku ah faa’iidadooda.

Soomaaliya ayaa ka mid ah meelaha xashiiska iyo noocyada daroogada laga geliyo waddamada Bariga Afrika, iyadoo kooxaha dembiilayaasha sida Al-Shabaab ay faa’iido lacageed oo xoog badan ay kasoo gasho macaashka laga helo noocyada kala duwan ee daroogada.

Baabuur laga qabsaday Hirshabeelle
Baabuur laga qabsaday ciidanka Xasan Dhicisow ee Hirshabeelle.

KHASAARAHA DAGAALKA MAREEREY

Dagaalka Tuulada Mareeray ka dhacay gelinkii dambe ee Khamiistii shalay [16 October] ayaa sababay lix dhimasho ah oo ciidanka Xasan Dhicisow ah, iyadoo maleeshiyaadka Shiidle ay gacanta ku dhigeen baabuur nooca Pickup oo booliska Hirshabeelle ku buufsan tahay, kuna rakiban yahay qoriga DhSk, halka mid kalana ay gubeen.

Waxaa jira tiro dhaawacyo ah oo labada dhinac ah.

Taliyaha booliska degmada Jowhar, Cabdifataax Arwaax oo xalay ka hadlay Jowhar ayaa sheegay in ciidankooda ay soo weerareen ciidamada beesha Shiidle, oo uu ku eedeeyay inay gacan ka heleen kooxda Al-Shabaab.

“Waxaa dhammaan kooxihii ka danbeeyay weerarkaasi la horgeyn doonaa maxkamadda awoodda u leh,” ayuu yiri Taliyaha Booliska degmada Jowhar oo hoostaga maamulka Hirshabeelle.

Dhanka kale, Cabdullaahi Abuukar Zubeyr oo ah oday dhaqameedka beesha Shiidle ayaa sheegay in ciidan ka amarqaata Hirshabeelle ay ku soo duuleen dhulkooda, wuxuuna ka digay in weerar kale lagu soo qaado.

“Haddii markale nala soo weeraro, waxaa mas’uuliyadda wixii ka dhasha qaadi doona maamulka Hirshabeelle,” ayuu sii raaciyay oday dhaqameedkan u hadlay beesha Shiidle.

Xaaladda deegaanka lagu dagaallamay ayaa maanta oo Jimce ahayd degganeyd.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News