SO | EN

SO | EN

Hirshabelle oo xiriirka u jartay Guddoomiyaha Hay’adda SODMA

|

JOWHAR (KAAB TV)-Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee Hirshabelle ayaa lagu sheegay inay Hirshabeelle si rasmi ah xiriirkii wada-shaqeyneed ugu jartay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Mohamud Mo’alim oo ay ku eedeysay ku tagrifal gargaarka loogu talagalay shacabka Hirshabelle, iyo hufnaan la’aan ka muuqata hab-maamulkii gargaarka, gaar ahaan dhacdadii dhawaan ka dhacday degmada Moqokori ee la geeyay afar kartoon oo dawo ah si aan habboonayn.

Go’aankan ayaa lagu faahfaahiyay warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska wasiirka, Marwo Asha Khalif Mohamed, 25-ka May 2025.

Sababaha Xiriirka Loo JarayWaxaa jira is-faham la’aan iyo iskaashi la’aan joogto ah oo u dhaxeysay hay’adaha labada dhinac, taasoo keentay inuu hakad ku yimaado qorshayaashii iskaashi ee loogu talagalay in lagu caawiyo bulshada Hirshabelle.

Wasaaradda Hirshabelle waxay ku eedeysay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka inuu si qaldan u maamulay gargaarka loogu talagalay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada Hirshabelle. Waxaana la sheegay in la dayacay baahiyaha dhabta ah ee dadka deegaanka, taas oo abuurtay niyad-jab iyo kalsooni darro.

Waxaa si gaar ah loo xusay dhacdo ka dhacday degmada Moqokori 24-kii May 2025, halkaas oo la geeyay afar kartoon oo dawo ah – oo lagu tilmaamay in aysan u qalmin xaalada dadka deegaanka. Wasaaraddu waxay ku tilmaamtay arrintaas mid muujineysa nidaam xumo, maamul la’aan iyo wax u muuqda gef shaqo oo culus.

Wasaaradda Gargaarka Hirshabelle waxay si cad u sheegtay in aysan jirin wax xiriir wada-shaqeyn ah oo hadda ka dhexeeya iyaga iyo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka. Sidoo kale, waxay ka codsatay cid walba oo ay arrintani khusayso in ay oggolaadaan mowqifkan rasmiga ah.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News