Hogaamiyaha SSC Khaatumo oo la kulmay ku simaha safiirka Shiinaha ee Soomaaliya iyagoo ka wada hadlay arrimo khuseeya xaaladda bini’aadantinimo.

|

MUQDISHO (KAAB TV) – Hogaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay kusimaha safiirka dalka Shiinaha

Hogaamiyaha maamulka SSC – Khaatumo, C/qaadir Axmed Aw Cali Firdhiye oo ay weheliyaan qaar ka mid ah golaha wasiirada ayaa kulan la qaatay ku simaha safiirka Shiinaha ee Soomaaliya Amb. Chen Wendi iyo diblomaasiyiin ka tirsan safaaradda.

Kulankan dhex maray hogaamiyaha maamulka SSC iyo safiirka ayaa waxaa diirada lagu saaray sidii dowladda Shiinaha ay si dhow uga wada shaqayn lahayd, ugana qayb qaadan lahayd arrimaha horumarinta iyo gargaarka deegaanada maamulka SSC-Khaatumo. Sida lagu sheegay war-murtiyeed laga soo saaray kulanka.

Firdhiye waxa uu tilmaamay in Shiinuhu yahay dawladii ugu horaysay ee deeq gaadhsiisay shacabka SSC-Khaatumo ka dib markii ay ka go’een maamulka Somaliland, waxaanu u mahad naqay dawladda Shiinaha oo uu sheegay inay gacan weyn ka gaystaan

Kulankan ayaa qeyb ka ah kulamo uu hogaamiyuhu la yeelan doono madaxda dowladda Federaalka iyo Beesha Caalamka inta uu ku guda jiro safarkiisa shaqo ee uu ku tagayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho oo uu maalmo ka hor soo gaaray.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News