Muqdisho (KAAB TV) -Hoggaamiyaha ciidanka difaaca deegaanka ee macawiisleeyda Soomaaliya Cali Jeyte Cismaan ayaa beeniyay in ciidanka dowlada iyo kuwa saaxiibada Caalamka dileen Horjoogihii ugu halista badnaa Al-shabaab ee deegaanada maamul goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle Nuur Cabdi Rooble Nuunuule oo lagu dilay gobolka Hiiraan.
Cali jeyte Cismaan ayaa nasiib daro weyn ku tilmaamay in dowladda Federaalka ay dafirto doorka ciidanka Macawiisleeyda ee ku aadan dilka ay u geysteen horjoogahii Al-shabaab ee gobolada Hiiraan, Galgaduud, Mudug, iyo Shabeellaha Dhexe.
“Horjooge Nuunaale iyo horjooge kale waxa dilay ciidanka Macawiisleeyda weerar jidkal ku sameeyay, cid kale ma dilin, mana ahan in la xaqiro doorkooda, iyagoo maalin walba dhiig u daadinaya difaaca dalka, waa nasiib daro weyn” ayuu yiri Hogaamiye Cali Jeyte.
Hoggaamiye Cali Jeyte ayaa sidoo kale xusay in ciidanka Macawiisleyda Hiiraan ay hayaan howshii looga baahna Soomaalida oo dhan, hadana waxaa muuqata in lasii xaqiraayo doorkooda.
“Soomaaliweyn waxaa leeyahay waad nagu fiirsateen dagaalka, Macawiisleeyda Hiiraan waxay qaban hayaan talaabadii laga rabay Soomaaliweyn oo dhan, waxaan leeyahay dadka Soomaaliyeed yaan nalagu fiirsan cadawga, hadii nalagu sii fiirsadana wax walba way dhamaan doonaan waxaana taariiqda gali doono wax badan oo laga sheekeeyo” ayuu yiri Hogaamiye Cali Jeyte.
Hadalkaan kasoo yeeray Cali Jeyte ayaa kusoo aadaya, iyadoo Shalay dowladda Fedaraalka ay sheegtay in duqeyn dhanka cirka ah ku dishay Horjoogihii ugu halista badnaa Al-shabaab ee deegaanada maamul goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle Nuur Cabdi Rooble Nuunuule.