SO | EN

SO | EN

Hogaamiyeyaasha Mucaaradka oo maalintii labaad ku shirsan magaalada Muqdisho

|

MUQDISHO (KAAB TV) -Hogaamiyeyaasha Mucaaradka Dowladda ayaa maalintii labaad waxa ay ku shirsan yihiin magaalada Muqdisho, waxaana maanta ay kulan gaar ah la qaadanayaan madaxda warbaahinta ka howlgasha Caasimadda.

Mucaaradka ayaa sida aan xogta ku heleeyno waxa ay madaxda warbaahinta kala hadlayaan arrimaha quseeya siyaasadda guud ee dalka, ammaanka iyo doorashooyinka iyo qaab tebinta warbaahinta Madaxa banaan.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed ayaa la wadaagay agaasimayaasha warbaahinta Muqdisho sida uu uga xunyahay tacadiyada maalmahaan dambe uga imaanayay laanta fulinta ee Dowladda Federaalka ah.

Shiikh Shariif ayaa siddoo kale sheegay in Saxaafadda madaxa-bannaan ay muhiim u tahay bulsho nidaamsan oo xor u ah soo gudbinta dareenkooda ku aadan Dowlad-wanaaga.

Sidoo kale, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo qeyb ka ah xubnaha ugu cad cad ee Mucaaradka Dowladda ayaa sheegay in shirkoodi maalinkii labaad ay wadatashiyo la qaadanayaan qaybaha kala duwan ee bulshada.

“Bahda warbaahinta ayaan iska waraysanay xaalka dalka iyo sida xal loogu heli karo ismaandhaafka siyaasadeed ee ku aaddan xaaladda kala guurka.” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News