SO | EN

SO | EN

Hoggaamiyaha ‘Hiiraan State oo war ka soo saaray safarkii madaxweynaha hirshabeele ku tagay dgmada matabaan ee gobolka hiiraan

|

Baledweyne (KAAB TV)-   Hoggaamiyaha maamulka la baxay Hiiraamn State ee fadhigiisu yahay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, Cabdullahi Cabdiraxmaan Aadan (Ganey) ayaa hadlay safar uu shalay madaxweyne HirShabelle, Cali Guudlaawe Xuseen ku tegay degmada Matabaan ee gobolka hiiraan.

Cabdullahi Ganey ayaa ku eedeeyay maamulka HirShabelle in ay dhibaato horleh ka abuureyso gobolka hiiraan, gaar ahaan xuduud u sheegay inay u taallo maamulkooda iyo HirShabelle.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in wixii dhibaato ah ee ka dhaca halkaasi uu mas’uuliyadeeda qaadi doono madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen.

“Wixii mas’uuliyada ah HirShabelle ayaa qaadeyso, waayo waxay dhibaato keeneen xuduuda oo waxay fowdo ka sameeyeen degmada Matabaan” ayuu yiri Cabdullahi Ganey .

Dhinaca kale wuxuu ku hanjabay in madaxweynaha HirShabelle tegi karin Beledweyne, isla markaana uu hadda Hiiraan kasoo galay dhinaca Galmudug, sida uu hadalka u dhigay.

“Cali Guudlaawe ma imaan karo Beledweyne, waxaa nagu maqaalo ah in uu Guriceel kasoo dagay maamulka Galmudug magan-galyo siiyay, kadibna sidaas kusoo gudbay” ayuu sii raaciyay.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada aan weli xal rasmi ah loo helin khilaafka Beledweyne iyo Jowhar, kaas oo saameeyay horumarkii iyo hore u socodkii dowlad goboleedka HirShabelle.
Lama oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto xiisaddan oo muddo soo taagnayd, maadaama reer Hiiraan ay sameysteen maamul gooni ah

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News