Laascaanood (KAAB TV) – Hoggaamiyaha maamulka cusub ee SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw Cali (Firdhiye) ayaa lagu wadaa maalmaha soo socda in uu soo gaaro magaalada Muqdisho, kaddib casuumad uu ka helay xukuumadda Soomaaliya.
Sidoo kale, wararka ayaa intaasi kudaraya hoggaamiyaha golaha fulinta maamulka SSC-Khaatumo Firdhiye waxaa ku casuumay magaalada Muqdisho, R/Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xamze Cabdi Barre.
Dhanka kale, hoggaamiyaha SSC-Khaatumo ayaana kala hadli doona R/Wasaaraha Soomaaliya iyo masuuliyiin kale oo katirsan dowladda xaalada deegaannada Khaatumo iyo sidii dowladda Soomaaliya taageero u siin laheyd maamulka dadka deegaanka dhisteen.
Waxaa sidoo kale la filayaa in hoggaamiyaha SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw Cali (Firdhiye) magaalada Muqdisho kula kulmo wakiillo katirsan beesha Caalamka, kuwaa uu iyana kala hadlayo sidii ay taageero u siin lahaayeen maamulka uu hoggaamiyo.
Maamulka Khaatumo ayaa looga dhawaaqay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, maamulkan ayaana doonaya in uu ka madax bannaanaado labada maamul kale ee Somaliland iyo Puntland oo dhulka maamulkaasi ka jira siyaabo kala duwan u sheegta.