SO | EN

SO | EN

Hoggaanka cusub ee SSC-Khaatumo ayaa lafilayaa inay soo gaaraan Muqdisho

|

Laascaanood (KAAB TV) – Hoggaamiyaha cusub ee maamulka SSC-Khaatumo  Cabdiqaadir Axmed Awcali (Firdhiye) iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa lafilayaa in saacadaha soo socdo soo gaaraan magaalada Caasimadda ee Muqdisho.

Sidoo kale, Wafdigan oo uu hoggaaminaayo Cabdulqaadir Axmed Awcali (Firdhiye) ayaa waxa lasheegay in uu casuumaad u sameeyay RW Xamze Cabdi Barre.

Dhanka kale, Firdhiye ayaa lafilayaa in kulamo kala duwan laqaato madaxda dowladda qeybeheeda kala duwan iyo madaxda beesha caalamka ee sugan magaalada Muqdisho.

Cabdulqaadir Axmed Firdhiye ayaa waxa uu kala hadli doonaa beesha caalamka arrimaha gargaarka bani’aadanimo iyo mashaariicda horumarineed sidoo kalana uu ka dalbado hay’adaha kala duwan ee ka howlgala gobolada SSC-Khaatumo sidii maamulka SSC-Khaatumo loogu sameyn lahaa mashaariic horumarineed.

Maamulka Cusub ee SSC-Khaatumo oo dagaal kula jira dhigooda maamulka iskiisa madaxbanaanida ugu dhawaaqday ee Soomaaliland, dagaalka udhexeeyo Soomaaliland iyo SSC-Khaatumo ayaa soo bilowday bishii February ee sanadkan kaas oo sababay khasaare farabadan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac sidoo kale wuxuu sababay barakac iyadoo dadka ka barakacay gobolka Sool ey ku qiyaaseen hay’adaha Qaramada Midoobay in kabadan boqolaalkun oo qofood halka tirada dhimashada iyo dhaawaca ey ku qiyaaseen in intaas kabadan.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News