Muqdisho (KAAB TV) – Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA Mahad Maxamed Salaad ayaa maanta isbadal ku sameeyey hoggaanka Hay’adda ee gobolka Banaadir ka dib markii uu xilka la wareegay maalnimadii shalay.
Agaasimaha NISA ayaa Kaaliyaha Amniga Hay’adda u magacaabay Aadan Maxamed Cumar (Aadan Dheere), oo ka mid ahaa saraakiishii la soo shaqeysay Agaasimaha xilligii uu ahaa Agaasimaha Hay’adda.
Sidoo kale Mahad Salaad ayaa dib u magacaabay Taliyaha NISA ee garoonka Aadan Cadde Gaashaanle Sare Xamdi Xasan, oo sanad ka hor xilkaan laga qaaday xilkaan.
Taliyaha Hay’adda NISA ee gobolka Banaadir ayaa isna loo magacaabay Liban Cabdiraxmaan Aaden, isaga oo xilkaan kala wareegi doona Cabdifitaax Shaawe, si la mid ah waxaa Taliyaha ilaalada shacabka ee gobolka Banaadir loo magacaabay sarkaal lagu magacaabo Macallin Salax Cabdinuur Cali.
Isbadalka ku yimid hoggaanka qaar ka mid ah saraakiisha Hay’adda NISA ee gobolka Banaadir ayaa ku soo beegmaya ka dib balanqaadka Agaasimaha cusub ee Hay’adda, kaas oo ahaa in uu wax ka qaban doona amniga caasimadda.