SO | EN

SO | EN

Hoobiyaal caawa lagu garaacay degmooyinka Muqdisho

|

MUQDISHO (KAAB TV) – Tiro hoobiyeyaal ah ayaa caawa fiidkii ku dhacay dhowr goobood oo ka mid ah caasimadda Soomaaliya, Muqdisho, kuwaasoo gilgilay qaybo ka mid ah magaalada isla markaana sababtay cabsi ballaaran.

Wararka dadka deegaanka laga helayo ayaa sheegaya in qaraxyadu ka dhaceen meelo muhiim ah oo ay ka mid yihiin Madaxtooyada, iridda hore ee Beerta Nabadda ee degmada Xamar Jajab, iyo qeybo ka mid ah degmada Yaaqshiid.

Khasaaraha iyo haddii ay jiraan dad ku waxyeelloobay weli si rasmi ah looma xaqiijin, inkastoo dadweynaha magaalada Muqdisho ay sheegeen in ay weli maqalayaan jugta qaraxyo culus oo ka dhacay goobo kala duwan.

Mas’uuliyiinta ayaan weli soo saarin warbixin rasmi ah oo ku saabsan weerarka.

Weerarkan ayaa qayb ka ah dhibaatooyinka amni ee Muqdisho ku sii kordhaya, iyadoo weerarro noocan ah ay si joogto ah u bartilmaameedsadaan xarumaha dawladda iyo goobaha muhiimka ah.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News