Afgooye(KAAB TV) – Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ayaa sheegaya in maleeshiyaadka Al-shabaab ay tiro hoobiyeyaal ah ay ku garaaceen gudaha degmadaasi.
In ka badan 10 hoobiye ayaa la sheegay in ay ku dhaceen xerada ciidmada dowladda ay ku leeyihiin degmada, Buundada iyo xaafado kala oo ka tirsan degmadasi, sida ay Risaala u sheegeen saraakiisha ciidamada ammaanka ee degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelada Hoose.
Ma cadda khasaaraha ka dhashay hoobiyaasha lagu weeraray degmada, iyadoona la soo werinayo in ciidamada ammaanka ay baaritaano xoog leh ay ka wadaan gudaha degmadaasi.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in suuqa degmada Afgooye maanta lagu kala cararay, kadib markii dadka ay soo wajahday baqdin xooggan.
Degmada Afgooye ayaa waxaa waxaa ku sugan taliyaha qeybta Booliska Gobolka Banaadir Macalin Mahdi, iyadona hadda degmada ay ka socdaan baaritaano ay sameynayaan ciidamada.
Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada madaafiicda lagu weeraray degmada Afgooye.