SO | EN

SO | EN

Hoobiyeyaal lagu garaacay xerada Xalane iyo xaafado katirsan degmada Wadajir

|

Muqdisho (KAAB TV) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya  hoobiyeyaal maanta lagu garaacay xerada Xalane ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Sidoo kale, weerarkan Hoobiyeyaasha ah ayaa kusoo aaday xili maalmo ka hor digniino kasoo baxay Safaaradda Mareykanka lagu sheegay in weerar laga cabsi qabo ka dhici karaan gudaha garoonka Aaden Cadde, oo maanta tiro Hoobiyeyaal ah lagu weeraray.

Dhanka kale, hoobiyeyaasha maanta lagu garaacay xerada Xalane ayaa qaarkood waxa ay ku dhaceen gudaha, kuwa kalena ay ku waxa ay ku dheceen xaafado katirsan degmada Wadajir, kuwaas oo geystay khasaare isugu jiro dhimaso iyo dhaawac oo soo gaaray dad rayid ah.

Xiliga hoobiyeyaasha lagu soo tuuraya garoonka ayaa waxaa laga shiday gambaleelka digniinta ah ee la yeeriyo marka ay halis jirto, taas oo keentay in xaalad laga dareemo halkaasi.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News