SO | EN

SO | EN

Hoobiyeyaal lagu garaacay Xerada Xalane xili Safaaradda Mareykanka digniino soo saareen

|

Muqdisho (KAAB TV) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya  hoobiyeyaal maanta lagu garaacay xerada Xalane ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Sidoo kale, weerarkan Hoobiyeyaasha ah ayaa kusoo aaday xili maalmo ka hor digniino kasoo baxay Safaaradda Mareykanka lagu sheegay in weerar laga cabsi qabo ka dhici karaan gudaha garoonka Aaden Cadde, oo maanta tiro Hoobiyeyaal ah lagu weeraray.

Dhanka kale, hoobiyeyaasha maanta lagu garaacay xerada Xalane ayaa qaarkood waxa ay ku dhaceen gudaha, kuwa kalena ay ku waxa ay ku dheceen xaafado katirsan degmada Wadajir, kuwaas oo geystay khasaare isugu jiro dhimaso iyo dhaawac oo soo gaaray dad rayid ah.

Xiliga hoobiyeyaasha lagu soo tuuraya garoonka ayaa waxaa laga shiday gambaleelka digniinta ah ee la yeeriyo marka ay halis jirto, taas oo keentay in xaalad laga dareemo halkaasi.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan hoobiyeyaasha lala beegsaday gudaha xerada Xalane oo ay dagan yihiin hay’ado caalami ah, safaarado iyo ciidamada shisheeye ee ka howlgala dalka.

Al-Shabaab ayaa inta badan hoobiyeyaal kusoo tuura magaalada Muqdisho waxaana lagu bartilmaameedsadaa madaxtooyada, xerada Xalane iyo goobo kale oo bartilmaameed ah, waxaana ugu dambeeyay weerar hoobiyeyaal ah oo garoonka lala beegsaday xilli uu kasoo dagayay ra’iisul wasaaraha Itoobiya oo dhawaan booqasho ku yimid magaalada Muqdisho.

Hoobiyeyaashaas ayaa waxaa ay waxyeelo kasoo gaartay dad shacab ah oo aan waxba galabsan, kadib markii ay guryahooda ugu tageen madaafiicda, kuwaas oo aan weli kasoo bogsan dhaawacyadii soo gaaray.

Si kastaba, Al-Shabaab ayaa laba jibaartay dhaq dhaqaaqyadooda, waxaana xittaa dagaalyahannadeeda lagu arkay agagaarka Muqdisho, gaar ahaan Ceelasha Biyaha, Lafoole, Xaawo Cabdi iyo waddada Balcad, taas oo dhalisay walaac aad u xooggan.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News