SO | EN

SO | EN

Hoobiyeyaal lagu soo tuuray Garoonka Aadan-Cadde & Booliska oo ka hadlay

|

Muqdisho (Kaab TV) – Tiro hoobiyeyaal ah ayaa maanta lagu soo tuuray Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho, waxaana ka hadlay taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Ciidanka Amaanka gaar ahaan kuwa Howlgalka Ciiltire oo uu ugu Horeeyo Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Ciidanka Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaran iyo Ciidanka boliis Militare ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo iskaashanaya ayaa waday Howlgalo lagu xaqiijinayo Amaanka Caasimada iyo Nawaaxigeeda, iyada oo la sugayo Amniga iyo badqabka Ummadda ee Maalmaha Ciida iyo asbuuca Xuriyadda, maanta Deegaanka Garasbaaley gaar ahaan Waaxda 2-aad ee Fooriloow, ayaa abaare 11:30 AM, waxaa garoonka Caalamiga ah ku soo dhacay dhowr xabo oo hoobiye ah, Ciidanka oo feejignaa ayaa ka howlgalay aagii la rumeysnaa in laga soo tuuray, waxeyna gacanta ku soo dhigeen dhowr Baalooto oo hoobiye ah, Mobeeladii laga qarxinayay oo wata Fiilooyinkooda iyo Gurigii laga soo ridayay.

Dowlada Soomaaliya ayaa la wareegtay gurigii laga soo riday ilaa inta la helayo Al-Shabaab shacabka dhibaataynayayy. Waxaana hada ku sugan Ciidanka Amaanka. Waxaana socoto baaris arrinta la xariirta dhacdadaas.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News