MUQDISHO (KAAB TV) – Carruurtii ay ka tagtay Luul Cabdicasiis oo bishii hore si arxan darro ah uu u dilay ka dibna u gubay Sayid-Cali Macallin Daa’uud ayaa la horkeenay Maxkamadda Gobolka Banaadir maanta.
Carruurta oo hadallo qiiro leh ka sheegay maxkamadda horteeda markii la wareystay ayaa caddeeyay kaalinta hooyadood ay ugu jirtay.
Carruurta ayaa ahaa markhaati markii falka gubitaanka arxan darrida ah uu u geystay Sayid-Cali oo ahaa seygii qabay Luul.