Aboorey (KAAB TV) -Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo mar kale maanta ka dhacay deegaanka Aboorey oo hoostaga degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan, kaas oo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab, waxaana sii xoogeystay howlgalka ay ciidmada aya wadeen,
Dagaalka oo ahaa mid xooggan ayaa waxa uu yimid kadib markii bAl-Shabaab weerar culus ku qaadeen deegaankaas oo ay shalay ay qabsadeen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo maalin kadib ku laabtay markii ay Al-Shabaab soo galeen halkaasi.
Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay ka hortageen weerarka uga yimid dhanka Al-Shabaab, welina ay ku sugan yihiin gudaha deegaanka.
Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana lasoo warrinayaa in ciidamada ay isku fidinayaan aagga degmada Buulo-burde oo ay hoostagaan deegaannada haatan lagu dagaalamayo.
Wararka ayaa sidoo kale intaasi kusii daraya in dowladda dhexe ay ciidamo dheeraad ah geysay deegaanka Yasooman oo u dhaw Aboorey, si loo sii xoojiyo howlgallada socda.
Dagaalkan waxaa ka horreeyay mid kale oo xalay ka dhacay isla deegaanka Aboorey, kaas oo ay rogaal celis ah usoo qaadeen Al-Shabaab waxaana halkaas xalay ku hoyday ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda.
Aboorey waxaa hadda ku sugan ciidamada dowlada iyo kuwa deegaanka.
Labadii maalin ee lasoo dhaafay ayaa waxaa Aboorey ka socday dagaallo qaraar, waxaana sidoo kale dul wareegayey diyaaradaha dagaalka, balse halkaas kama dhicin wax duqeyn ah, sababtana waxaa lagu sheegay in daruuro xoog leh ay jireen.
Duqeymaha la fulin waayey ayaa Al-Shabaab fursad u siiyey inay dagaalamaan oo weliba si aan horay loo arag ay jilibka u dhigtaan.
Deegaanka Aboorey ayaa muhiim u ah isku socodka kooxda ee gobollada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe iyo Galmudug.