SO | EN

SO | EN

Howlgal ka dhan ah Al-Shabaab oo ka dhacay Gobolka Shabeellaha Dhexe

|

Mahadaay  (KAAB TV) –Ciidamada difaaca deegaanka ee macawiisleyda ayaa xalay (28 April 2025) howlgal qorshaysan ka fuliyey howdka deegaanka Ciid-ciidka ee degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab.

 

Howlgalkaan ayaa la sheegay in uu ahaa mid qorsheysan oo ay hoggaamineysay macawiisleyda deegaanka, waxaana lagu guuleystay in lagu jabiyo xoogagga Al-Shabaab ee weerarka qaaday.

Hoggaamiyaha macawiisleyda ee aagagga degmada Mahadaay, Cismaan Beerey, ayaa sheegay in howlgalka uu si guul leh uga dhacay deegaanka Ciid-ciidka, isla markaana ay ku dileen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo doonayay in ay weerar ku qaadaan deegaanka. Beerey waxa uu sheegay in howlgalkaas uu ahaa mid si weyn uga hor yimid qorshayaashii Al-Shabaab ee ku aaddanaa in ay dhibaatooyin ka abuuraan deegaanka.

“Waxaan ku guuleysanay in aan ka nadiifinno deegaanka xubno ka tirsan Al-Shabaab, waxaana sidoo kale ka helnay hub iyo saanad ciidan oo ay doonayeen in ay u isticmaalaan falal amni darro ah,” ayuu yiri Cismaan Beerey.

Beerey ayaa sidoo kale sheegay in ciidanka deegaanka ay helayaan cadeymo muujinaya in xubno ka tirsan Al-Shabaab ay la kulmeen khasaare dhimasho ah. Meydadka afar xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, ayaa la sheegay in loo qaaday deegaanka Cali Fooldheere ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo lagu xiray. Meydadka ayaa la geeyay si loo xaqiijiyo in ciidanka deegaanka ay guul ka gaareen howlgalka.

Kadib howlgalka, ciidanka deegaanka ayaa si buuxda u la wareegay goobihii ay howlgalka ka fuliyeen, iyadoo aan la soo sheegin wax khasaare ah oo ka soo gaaray ciidanka deegaanka ama dadka rayidka ah. Waxaa la sheegay in ciidamada Macawiisleyda ay hadda ku sugan yihiin aagga, islamarkaana ay ka sii wadaan howlgallada nadiifinta iyo sugidda amniga deegaanka.

Howlgalka ayaa la filayaa in uu xoojiyo ammaanka gobolka Shabeellaha Dhexe, isagoo muujinaya dadaalka socda ee lagu doonayo in looga hortago kooxaha hubeysan ee ku sugan deegaannada qaar ee dalka.

Ciidamada deegaanka ee macawiisleyda ayaa lagu ammaanaa in ay si joogto ah uga qeyb qaataan sugidda nabadgelyada iyo difaaca deegaanka, iyadoo ay taageero ka helayaan shacabka deegaanka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News