War qoraal ah oo kasoo baxay dowladda Fedaraalka ayaa lagu sheegay in howlgalka uu isugu jiray dagaal iyo duqeymo cirka ah oo lagu beegsaday goobo ay ku dhuumaaleysanayeen kooxda Al-shabaab.
Howlgalka ayaa la tilmaamay in lagu dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad badan oo ka tirsan kooxda Al-shabaab, islamarkaana sidoo kale lagu burburiyay goobo gambaad u ahaa kooxda Al-shabaab.
“Duqeeymaha dhanka cirka ah oo lagu dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad badan ayaa waxaa iska kaashaday ciidanka xoogga dalka iyo saaxiibada caalamka” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda Fedaraalka Soomaaliya.
Warka kasoo baxay dowladda Soomaaliya laguma shaacin tirada rasmiga ah ee kooxda Al-shabaab looga dilay dagaalka iyo duqeymaha ka dhacay deegaanka Ceel dheere ee ku yaala xadka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Howlgalkaan dagaalka iyo duqeynta ah ee khasaaraha lagu gaarsiiyay Al-shabaab ayaa qeyb ka ah howlgalada dowladda Fedaraalka ku dooneyso iney dalka kaga ciribtirto kooxda Al-shabaab.