Baledweyne (KAAB TV)- Ciidamada ammaanka ee Baladweyne ayaa howlgal ka sameeyay gudaha magaalada baladweyne.
Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa ay Ciidamadu ka sameeyeen xaafado dhowr ah oo ka tirsan magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Ujeedka howlgalkan ayaa yimid ka dib markii magaalada baladweyne lagu dilay Allaha unaxariistee Gudoomiye ku xigeenkii Arimaha Maaliyada Degmada Baladweyne Cabdisahal Shuuriye Xuseen oo ahaa Nin dhalinyaro ah oo si weyn looga yaqaanay Magaalada baladweyne.
Koox Hubeeysan oo doonayay in Moobilka ay ka qaatan Gudoomiyaha iyo wiil uu abti u yahay ayaa rasaas ku furay waxaana gaarsiiyeen dhawac Culus intaasi kadib waxaa loola Cararay Isbitaalka Hilaal halkaas ayu ugu dambeeyn ku geeriyooday
Allaha unaxariistee Gudoomiye ku xigeenka Maaliyada degmada Baladweyne Cabdisahal ayaa ahaa Nin dhalinyaro ah oo aad looga yaqaanay Magaalada, waxaana dhalay Nabadoon Shuuriye Xuseen oo asne kamid ah Odoyaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan
Dhaca dadweynaha ayaa si weyn ugu soo badanayay Mudooyinkii Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan waxaana Maamulka gobolka iyo hay’adaha Amaanka ay ku guul-dareeysteen in ay wax ka qabtaan amni xumada jirta.
Galabta ayaa Lagu wadaa in Marxuunka lagu aaso Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan sida ay eheladiisa ay sheegeyn warbaahinta.

