SO | EN

SO | EN

Howlgal lagu dilay xubno katirsan Al-Shabaab oo ka dhacay deegaaanada Puntland

|

Garoowe (KAAB TV) – War kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay in ka badan 20 xubnood oo katirsan Al Shabaab ay ku jiraan saddex horjooge lagu dilay hawlgal ay iska kaashadeen ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamka, oo ka dhacay buuraha Calmadow ee Puntland.

Sidoo kale, hawlgalka ayaa lagu bar-tilmaameedsaday xero ay maleeshiyaadka  ah isku aruursanayeen taas oo ku taalla buuraha Calmadow, waxa ayna dowladda sheegtay in halkaasi looga hortagay dhagartii ay u maleegayeen kooxda la weeraray.

Dhanka kale, Warka kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamka ayaa muddooyinkaan si weyn ula socday dhaq-dhaqaaqyada cadowga Al Sahbaab ah ay ka wadeen deegaannada buuralayda ah ee Puntland.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News