SO | EN

SO | EN

Howlgalka cusub ee AUSOM oo la shaaciyay goobaha ay ka howlgali doonaan & cida shaqada kuleh

|

Ammaanka dalka Soomaaliya qeybo kamid ah, ayaa lagu wareejin doonaa ciidamo cusub oo ku howlgali doona magaca AUSSOM, waxa ayna ciidankan cusub ka kala imaan doonaan ilaa lix wadan ay ku jiraan dalalka Itoobiya, Masar iyo Kenya.

Sida uu sheegay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya Cali Balcad, in ciidanka cusub ee ku howlgalaya magaca AUSSOM, dhawaan ka howlgali doonaan dalka, iyaga oo beddeli doona howlgalkii hore ee ATMIS.

Dhanka kale, Cali Balcad, ayaa sheegay goobaha ay ka howlgali doonaan in ay go’aamin doonto dowladda Soomaaliya, waxa uuna si gaar ah u xusay in Wasaaradda Gaashaandhigga iyo sidoo kale hay’adda nabbadsugida Soomaaliya go’aamin doonaan goobaha ay ka howlgalayaan howlgalka cusub ee AUSOM.

Howlgalka cusub ee AUSSOM, waxaa ku cusub dalka Masar oon horey wax ciidan ah uga joogin Soomaaliya, waxaa sidoo kale howlgalkan laga reebay oo horey dalka ciidamo uga joogeen dalka Burundi oo saluugay tirada ciidamada laga siiyay howlgalkan cusub.

Sikastaba, Ciidamada ATMIS ee waqtigooda dhammaaday ayaa sanadihii lasoo dhaafay wax howlgallo ah oo muuqda ka qeyb qaadan, waxa ayna ciidankan ahaayeen kaliya kuwa ku sugan xeryaha ay joogaan, iyadoona dagaalka Al-shabaab kaliya loo dhaafay ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News