Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo xoogan waxaa ay weli ka wadaan degaano iyo degmooyin kuyaalla Gobolka Hiiraan, halkaas oo la sheegay inay ku sugan yihyiin Xubno katirsan As.
Howlgalka ayaa waxaa sigaar ah u fuliyay Ururka 8aad Guutada 18aad ee Gor-gor, iyaga oo howlgalka ku gaaray degaano kuyaalla Jiinka Wabiga ilaa Waqooyiga Degmada Buula Barde Ee Gobolka Hiiran.
Taliyaha Ururka 8aad Guutada 18aad ee Gorgor Mohamed Ali Hilowle {Hadlaaye} oo howlgalka hoggaaminayay ayaa sheegay inay burburiyeen Saldhigyo ay As ku lahaayeen degaano kuyaalla Koonfurta Gobolka Hiiraan, isla markaana ay kasoo abaabuli jireen weerarada.
Wuxuu sheegay inay howlgallada sii wadi doonaan ilaa iyo inta Al-Shabaab ay ka xoreeynayaan Guud ahaan gobolka Hiiraan, kadIbna ay u tallaabi doonan degaannada kale ee dalka
Maalmihii la soo dhaafay waxaa hakaday howlgalladii ka dhanka ahaa As oo ay kal hore billaawday dowladda Soomaaliya, iyada oo Madaxda dowladda ay marwalba sheeg sheegaan in ay dib u billaabi doonaan. Waxaa jira dhaq qaaqyo xoogan oo ka socda gobolka hiiraan.