SO | EN

SO | EN

Howlgallo ka dhan ah isbaarooyinka sharci darrada ah oo ka socda gobolka Hiiraan.

|

Baledweyne (Kaab TV) –Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si rasmi ah ula wareegtay mas’uuliyadda guud ahaan amniga gobolka Hiiraan oo ka tirsan dowlad goboleedka Hir-Shabeelle. Iyadoo taas laga duulayo ayaa waxaa la bilaabay howlgalo lagu xaqiijinayo isbaarooyinka sharci darada ah.

Taliyaha Nabad Suggida Gobolka Hiiraan, Cismaan Cabdi Waasuge oo horkacaya howlgalka adag, ayaa ka warbixiyay kooxo hubeysan oo isbaaro dhigtay inta u dhaxeysa Magaalooyinka Baladweyne iyo Matabaan.

Waasuge waxa uu digniin culus ka soo saaray in Hay’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ay baabi’in doonto goob kasta oo lagu tilmaamo in ay ku yaalaan Isbaarooyin sharci darro ah, isagoo taasi ku sababeeyay dhibaatooyinka amni iyo mid dhaqaale ee ay ku hayaan dadka reer Hiiraan.

Howlgallada socda ayaa ilaa hadda la sheegay in lagu burburiyay in ka badan 15 isbaaro, waxaana lagu soo qabtay in ka badan 10 qof, kuwaas oo hadda ku jira gacanta NISA. Dhismayaal ka sameysan cooshado oo ay dhisteen kooxahan ayaa la gubay.

Ganacsatada deegaanka ee gobolka Hiiraan ayaa dhawaan cabashadooda u gudbiyay Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, iyagoo ku tilmaamay xirnaanshaha waddooyinkaasi inay caqabad ku yihiin howlahooda shaqo iyo xasiloonida dhaqaale ee gobolka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News