SO | EN

SO | EN

Howlgalo ka dhan ah Al-shabaab oo laga fuliyay deegaano ka tirsan Jubbada Hoose

|

Jubbada Hoose (KAAB TV) -Ciidamada Kumaandooska Danab oo garab ka helaya Booliiska sida gaarka ah u tababaran ee Jubbaland ayaa howlgalo qorsheysnaa ka fulilyay deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose oo ay ku sugnayeen Al-shabaab.

Howlgalada ayaa ahaa kuwa ciidamada is kaashanaya ay ku beegsadeen kooxda, islamarkaana ay ku burburiyeen xarumo iyo goobo ay kasoo abaabuli jireen weerarada iyo falalka amni daro oo ay ka geysteen qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalada laga sameeyay deegaanada ka tirsan Jubbada Hoose ee hoostaga Kismaayo ayaa warbaahinta u sheegay in ujeedka howlgalada ay ahayeen xaqiijinta amniga iyo xasiloonida deegaanada Jubbaland.

Saraakiisha ayaa sidoo kale shacabka ku nool deegaanada maamulka Jubbaland ugu baaqay in ciidamadu kala shaqeeyaan howlgalada lagu xaqiijinaayo amaanka guud ee deegaanada maamulka Jubbaland.

Gobolka Jubbada Hoose iyo gobolada kale ee maamulkaas ayaa ka mid ah meelaha ay wali ku xoogan yihiin maleeshiyaadka Al-shabaab, waxaana halkaasi marar badan ka dhacay dagaalo iyo duqeymo khasaare xoog leh lagu gaarsiiyay Al-shabaab.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News