MUQDISHO (KAAB TV) – Xildhibaan Maxamed Ibraahim Mocalimuu ayaa shaaca ka qaaday musuqmaasuq iyo wax isdaba marin halakeeyay hawlgallada ciidamada Soomaaliya, taa oo sababtay in niyadda ciidamada dagaalka ku jira ay hoos u dhacdo, laguna guuleysan waayo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
“Musuqmaasuqa iyo maamul xumada ayaa ah sababaha keenay in niyad jabka ciidamada qaranka Soomaaliyeed. Niyadda ciidanka waa qodob go’aamiya xaalad kasta oo dagaal. Loojistikada liidata ayaa hoos u dhigtay horusocodka ciidamadeena, waxa ay wiiqday niyadooda, waxa ayna caqabad ku noqotay wax qabadkooda ciidannimo, kadib markii sahaydii ciidanka lagu wareejiyay shirkado musuq maasuq ah oo xiriir dhow la leh Villa Somalia,” ayuu yiri xildhibaanka.
Xildhibaanka ayaa kashifay in qorshihii dhismaha ciidanka iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab uu isu rogay mashruuc lacag ay ka sameeyaan shirkado ku xiran Villa Somalia, oo sidaasi faa’iido uga sameeya.
Waxayna arrintan keentay in hub fara badan iyo rasaas loo weeciyo suuqyada, laguna kala iibsado.
Member of Parliament, Mohamed Ibrahim @MOALIMUU has blasted a very serious corruption within Somali army causing failure of security operations as troops already started desserting due to low morale.
“Corruption and poor management are the root causes of low morale of Somali… pic.twitter.com/5jT0Vjf8O1
— Kaab Somali TV (@KaabTV) April 5, 2024
“Dadaalka wadajirka ah oo ay la kaashanayaan saaxiibada caalamiga ah, askarta Soomaaliya waxay horey u fuliyeen howlgalo lagu guuleystay oo ka dhan ah kooxaha hubeysan oo ay ka mid tahay Alshabaab, burburinta shabakadahooda iyo dib u soo celinta dhulalka, laakiin hadda maamul xumida iyo musuq maasuqa baahsan ee ka jira ciidamada ayaa laga yaabaa inay sababto in la kala diro ciidamadeena oo tababaro ay qaateen. Waxaa lacag badan ku kharash gareeyay saaxiibada Soomaaliya sanado badan,” ayuu yiri xildhibaanka.
“Sidoo kale, Hubka iyo Rasaasta Ciidanka Soomaaliya ayaa weli loo weecinayaa Suuqyo furan inkastoo dowladdu ay inta badan ballan-qaadeyso in ay ka hortagto in hubkeeda uu daadato oo uu suuqa madow ku galo Al-Shabaab,”
Hore waxaa dad kala duwan ay u bayaamiyeen musuqa ka jira dhanka hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, hase yeeshee ma jirin wax baaritaan ah oo arrinkan lagu sameeyay. Hadda Xildhibaan Mocalimuu ayaa soo jeediyay in la gaaray waqtigii la bilaabi lahaa baaritaan dhab ah oo lagu ogaanayo meesha wax ka khaldan yihiin.
“Waxaa la joogaa waqtigii aan si dhab ah wax uga qaban lahayn caqabadaha aan kor ku soo xusnay ee ku jira hoggaanka XDS oo aan heli lahayn hab-dhaqan iyo hab maamul oo wanaagsan oo horseeda ciidankeenna,” ayuu sii raaciyay xildhibaanka.