SO | EN

SO | EN

Iiraan oo gantaallo ku garaacday saldhigga Maraykanka ee Qadar

|

DOOXA (Kaab TV) – Iiraan ayaa xalay gantaallo ku garaacday saldhigga milatari ee Mareykanka ee ku yaalla dalka Qadar, iyadoo sheegtay in ay tahay aargudasho ku wajahan duqeymo uu Mareykanku ku beegsaday xarumo ka tirsan barnaamijkeeda nukliyeerka toddobaadkan dhammaadkiisii.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in ay maqleen daryanka gantaallada oo cirka ka yeeraya xilli ay marayeen hawada caasimadda Dooxa, halka muuqallo la duubay ay muujinayaan holac weyn oo cirka ka ifaya iyadoo nidaamyada difaaca cirka ay isku dayayeen inay ka hortagaan gantaallada.

Tani waa koror cusub oo ka mid ah isku dhacyada ka socda Bariga Dhexe ee u dhexeeya Iiraan, Israa’iil iyo Mareykanka, iyadoo xiisaduhu ay si xowli ah sare ugu sii kacayeen maalmahan dambe.

Gantaallada Iiraan ayaa si toos ah u beegsaday saldhigga ugu weyn ee Mareykanku ku leeyahay Bariga Dhexe ee Al- Cudeyd.

Saldhigga Al-Cudeyd ayaa ah midka ugu weyn ee Mareykanku ku leeyahay Bariga Dhexe. Waxaana la furay sannadkii 2000.

Iiraan ayaa sheegtay in weerarkeeda uu yahay jawaab aargoosi ah oo ka dhan ah weerarkii Mareykanku ku qaaday saddex xarumood oo lagu sheegay in ay la xiriiraan barnaamijkeeda nukliyeerka fiidnimadii Sabtidii.

Illaa 14 gantaal ayaa la sheegay in lagu soo riday Saldhiggan, balse 13 ka mid ah ay hawada ku qarxeen, halka hal ka mid ah gantaallada Iiraan uu ku dhacay saldhigga Mareykanka.

Lama sheegin khasaare nafeed illaa hadda.

Iiraan oo sheegtay in aysan ka aamusi doonin gardarro kasta.

Weerarka waxaa markii ugu horreysay xaqiijiyay warbaahinta dowladda Iiraan, kaddibna waxa si rasmi ah u shaaciyay taliska milatariga.

Bayaan kasoo baxay ciidamada ilaalada Kacaanka ee Iiraan ee IRGC — oo ah laanta ugu awoodda badan ee ciidamada Iiraan — ayaa lagu yiri: “Iiraan kama aamusi doonto weerar kasta oo lagu soo qaado madaxbannaanideeda” iyadoo la raaciyay: “Saldhigyada Mareykanka ee gobolka kama dhigna awood, balse waa tabar-darro.”

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa horay uga digay Iiraan in aysan jawaab ka bixin weerarrada lagu qaaday xarumaha nukliyeerka, isaga oo ku baaqay in khilaafka lagu dhameeyo wadahadal diblomaasiyadeed.

Trump wuxuu weerarka ku tilmaamay “mid daciif ah” isaga oo sheegay in aanay Mareykanku wax khasaaro ah ka gaarin.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Qatar ayaa sheegay in weerarku ahaa “weerar lama filaan ah” iyo “ku xadgudub cad oo lagu sameeyay madaxbannaanida Qatar,” isagoo intaas ku daray in Qatar ay ahayd mid ka mid ah dalalkii ugu horreeyay ee ka digay khatarta dagaalka Israa’iil ka wado gobolka.

Hoggaamiyaha sare ee Iiraan, Ayatollah Ali Khamenei, ayaa dhankiisa sheegay in weerarkoodu uusan qofna waxyeellayn, balse dalkiisu aanu marnaba aqbali doonin gardarro lagu sameeyo.

“Annagu cidna maanan dulmin, mana ogolaan doonno in la na dulmiyo. Kama yeelayno wax xadgudub ah – taas ayaa ah aragtida shacabka Iiraan,” ayuu ku yiri bartiisa X, sida ay turjuntay BBC-da Persian.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News