SO | EN

Iiraan oo u diyaargarowday weerar ay ku qaaddo Israa’iil – sirdoonka

|

WASHINGTON (KAAB TV) – Dowladda Mareykanka ayaa goordhow shaacisay xog sirdoon oo ay heshey taa oo muujineysa in Iiraan ayaa qaadi doonto weeraro ka dhan ah Israa’iil.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka, Antony Blinken, ayaa saxaafadda u sheegay inay maqleen warar sheegaya in Iiraan ay qaadeyso weeraro xooggan.

Blinken ayaa yiri “Weerar kaga yimaada Iran oo ku wajahan Israa’iil wuxuu noqon karaa mid le’eg ama ka weyn weerarkii ay ku qaadeen 13-kii Abriil.”

Mareykanku wuxuu sheegay inuu difaaci doono Israa’iil haddii ay Iiraan soo weerarto.

Hoggaamiyaha Ruuxiga Iiraan Aayatollaah Cali Khamenei ayaa la sheegay inuu bixiyay amarka weerarka.

Dhanka kale, waxaa weli socda duqeymo iyo duulaan ay wadaan ciidamada Israa’iil kuwaa oo ka socda Koonfurta magaalada Beyruut ee dalka Lubnaan.

Dowladda Lubnaan ayaa sheegeysa in dadka dhintay ay kordhayaan, halka dadka barakaca ay aad u sii badanayaan.

Jimcihii ayay Israa’iil duqeyn ku dishay hoggaamiyihii Xisbullah Xasan Nasrallah iyo dhowr ka mid ah hoggaanka kooxda ay taageerto Iiraan.

Waxaa jirta cabsi laga qabo in gobolka Bariga Dhexe oo horayba ay uga jireen dagaallo ka socda Falastiin hadda isu bedelo gobol guud ahaan colaad ku jira.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News