NewYork (KAAB) Ilhaan Cumar ayaa ka wajaheysa cadaadiskii ugu weynaa tan iyo intii loo doortay xubinnimada aqalka baarlamaanka Mareykanka ee Congress, ee ay ku metesho gobolka ay Soomaalidu degto ee Minnesota.
Gabadha xagjirka ah ee kula jirta Congress ee Marjorie Taylor ayaa aqalka baarlamaanka u gudbisay qaraar ku eedeynaya Ilhaan qiyaano qaran, iyo inay wakiil u tahay dowlad shisheeye.
Guddoomiyaha gobolka Florida Ron DeSantis waxa uu isagu ku baaqay in Ilhaan laga la noqdo dhalashada iyo baasaboorka Mareykanka islamarkaas na la masaafuriyo.
Qaraarka loo gudbiyay Congress iyo baaqa tarxiilka Ilhaan ayaa dabo-socday hadal ay ku durtay isfagaradka badda ee dhexmaray Itoobiya iyo Somaliland, kaas oo ay ka jeedisay xaflad loo dhigay dib-u-doorashada madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdulaahi Deni.
Eedeymaha qiyaamo qaran, iyo baaqyada ah in laga eryo aqalka baarlamaanka, iyo xitaa in la tarxiilo oo laga la noqdo dhalashada iyo baasaboorka Mareykanka waxay ka dhaceen hadalkaas, qeyb ahaan aan la wada turjumin.
Laakiin waa hadal waxba uga duwaneyn halka Mareykanku ka istaagay heshiiska badda ee Itoobiya iyo Somaliland, iyo xitaa khudbadaha ay jeediyaan xildhibaanada kasoo jeeda dadka soogalootiga ah ee Mareykanka.
BBC Somalia