Laascaanood (KAAB TV) – Faahfaahin kasoo baxaya magaalada Laasaanood ee xarunta maamulka SSC Khaatumo, ayaa sheegaya in saakay halkaasi gaareen wafdi horudhac u ah safarka Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo qaar kamid ah ilaaladiisa.
Sidoo kale, diyaarad gaar ah oo siday wafdiga horudhaca u ah safarka Ra’isul Wasaare Xamse Barre iyo ciidamada ilaalada gaarka ah u ah ayaa ka degay garoonka diyaaradaha magaalada Laascaanood, waxaana wafdiga iyo ciidanka la socda la geeyay goobaha loogu tala galay in la dejiyo Xamse Cabdi Barre.
Dhanka kale, Ciidamada ayaa baaritaanno kusii sameenaya siina adkeenaya amniga goobaha loogu tala galay in Ra’isul Wasaare Xamse Barre la dejiyo, waxa ay sidoo kale wafdiga horudhaca ah sii diyaarinayaan qorshaha safarka Xamse.
Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa lagu wadaa in uu tago magaalada Laascaanood, waxa uuna halkaasi kulamo kala duwan kula qaadan doonaa madaxda maamulka Khaatumo, garaadada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaaladaasi.
Sikastaba, Safarka Xamse Barre ku tagayo magaalada Laascaanood, ayaa ah mid si weyn loo wada sugayo, waxaana safarkaasi si weyn uga soo horjeeda ugana digtay in Laascaanood yimaado Ra’isul Wasaare Xamse maamulka Somaliland oo horey magaaladaasi looga saaray.