SO | EN

SO | EN

UAE oo soo dhaweysay dhex-dhexaadinta Turkiga ee Suudaan

|

Riyadh (KAAB TV) – Dowladda Imaaraatka Carabta ayaa soo dhaweeysay dhexdhexaadinta Turkiga ee loogu talagalay in lagu soo afjaro dagaalka ka socda Suudaan.

Sidoo kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka ayaa ku sheegtay bayaan ay soo saartay inay diyaar u tahay inay la shaqeyso oo ay iska kaashadaan Turkiga si loo dhammeeyo khilaafka Suudaan, iyadoo xustay in dhexdhexaadintu ay tagaeerayso amniga iyo xasiloonida gobolka.

Dowladda Imaaraadka ayaa adkeeysay baahida loo qabo in la joojiyo dagaalka, in gargaar bani’aadamnimo loo gaarsiiyo dadka u baahan, iyo geeddi-socod siyaasadeed oo keeni doona dhismaha dowlad madani ah.

Dhanka kale, Turkigu ayaa horey u dhexdhexaadiyay Suudaan iyo Imaaradaka, taasoo lagu soo afjaray xiisad ka dhex taagneed labada dal, kadib markii Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan uu telefoon kula hadlay guddoomiyaha Golaha Sare ee Suudaan, Cabdilfataax al-Burhan.

Sikastaba, dowladda Suudaan ee uu hoggaamiyo Cabdilfataax Al-Burhan ayaa si cad u diidday wararka sheegaya in dalka uu wajahayo macluul, isagoo sheegay in xaaladda aanay ahayn mid ay abaaruhu saameeyeen sida lagu sheegay wararka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News