Puntland (KAAB TV) -Degaanada Dowlad Goboleedka Puntland waxaa maanta oo Sabti ah si rasmi ah uga furmay Imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada hoose dhexe iyo sare ee 2023/2024 kaas oo ay qaadeyso Wasaaradda Waxbarashada ee Dowlad Goboleedka.
Sida ay sheegtay wasaaradda waxbarashada ee dowlad goboleedka Puntland waxaa imtixaanaadka sanad dugsiyeedka 2023/2024 u fariistay 21,801 arday.
Wasaaradda waxbarashada Puntland ayaa ardayda kula dardaarantay in ay ku labistaan direyskooda oo buuxa ayna la yimaadaan dhammaan waxyaabaha kale ee lagama maarmaanka u ah imtixaanaadka, kana fogaadaan khaladaadka imtixaanaadka.
Ardayda wax ka barata Jaamacadaha ku yaala deegaanada Dowlad Gobaleedka Puntland ayaa la fasaxay si ay u abuuraan boosas ay ku galayaan Imtixaanaadka ardayda dugsiyada hoose dhexe iyo sare sida ay sheegtay Wasaaradda Waxbarashada Puntland.
Ardeyda u fariisaneysa Imtixaanka hoose ee Dugsiga ayaa la filayaa in ay u gudbaan Dugsiga Sare haddii ay si wanaagsan u soo baxaan oo ay helaan natiijooyin lagu qanco halka 12-aad ay u gudbi doonaan Waxbarashada heerka Jaamacadeed.
Puntland ayaa ah dowlad goboleedka kaliya ee si madax banaan u qaadda imtixaanaadka dowladda Federaalka, waxaana dhowr jeer ay diiday in ay qeyb ka noqoto Imtixaanka mideysan ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee dowladda Federaalka oo ay ku cadeysay in uusan isku mid aheyn. manhajka ardayda.