SO | EN

SO | EN

In ka badan 10 qof oo lagu dilay gobolka Mudug.

|

Gaalkacyo (KAAB )- Wararka aan ka helayo miyiga gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaas ay ku dhinteen dad badan ka dib dagaal beeleed halkaas ka dhacay.

Dagaalkan ayaa u dhaxeeya laba maleeshiyo beeleed oo wada dega degaanka Towfiiq  ee gobolka Mudug halkaas oo marar badan dagaalkan uu ku soo noq noqday.

inta la xaqiijiyay 10 ruux ayaa ku geeriyooday dagaalka oo gelinkii danbe ee shalay dhacay halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen islamarkaan weli ma jirto cid kala dhex gashay labada dhinac.

Colaadda labada reer oo soo noq-noqotay ayaa la sheegay in heshiis laga gaaray sannadkii 2023 balse mar kale ayuu shalay dib u qarxay dagaalkii labada dhinac.

Qoysas badan ayaa lagu soo waramayaa in ay isaga carareen deegaanka dagaalada ay ku soo noq noqdeen kuwaas oo ka cabsi qaba in loo beegsado arrimo la xiriira aargoosi qabiil.

Maamulka gobolka Mudug ee Puntland ayaa marar badan ku baxay colaadan waxaana uu ku baaqay in la dejiyo xiisada.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News