Afgaanistaan (KAAB TV) – In ka badan 1,660 oo qaxooti ah oo u dhashay Afgaanistaan ah ayaa shalay laga joojiyay duulimaad u qaadi lahaa Mareykanka oo ay dib u dejin ka heleen, kaddib markii Trump uu soo saaray amar hakinaya qaxootiga Mareykanka uga imaanaya dibadda.
Sidoo kale, Sida ay baahisay wakaaladda wararka ee Reuters, qaxootigan ayaa ubadnaa qoysas xiriirka la lahaa ciidankii Mareykanka muddadii ay ku sugnaayeen Afganistan.
Dhanka kale, Ururka Taalibaan ee gacanta talada dalka Afgaanistan ayaa maanta ku dhawaaqay in ay xabsiga ka sii daayeen laba muwaadin oo Maraykan ah oo la xiray sannadkii 2021.
Waxay ku baddesheen dagaalyahano Afgaanistaan ah, Khan Mohammed oo tan iyo sannadkii 2008-dii xabsi ku yaalla California ku qaadanayay xukun xabsi daa’im ah oo ay ku riday maxkamad federaal ah oo ku taalla Mareykanka.
Ugudambeyntii, Wuxuu hadda ku laabtay Afgaanistaan, kaddib heshiis ay dhex dhexaadisay Qatar oo u dhaxeeyay Taalibaan iyo Mareykanka.