ADDIS ABABA (KAAB TV) -Roobab mahiigaan ah iyo daadad ayaa saameeyay in ka badan 560,000 oo qof oo ku nool guud ahaan dalka Itoobiya, sida ay sheegtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha bini’aadantinimada ee OCHA.
Hay’adda OCHA, ayaa warbixinteedii ugu dambeysay ee xaaladda ay soo saartay Arbacadii, ku sheegtay in ilaa 57,000 oo qof ay ku barokaceen daadad ka dhashay roobab mahiigaan ah oo ka da’ay qaybo kala duwan oo dalka ku yaalla Bariga Afrika.
Waxa ay sheegtay in daadadku ay khasaare weyn u geysteen guryaha la deggan yahay, kaabayaasha danta guud iyo beeralayda, taas oo sii xaddidaysa helidda adeegyada dadka ay saameeyeen, gaar ahaan meelaha ay colaaduhu aafeeyeen, abaaro daba dheeraaday, daacuun dillaacay iyo kaabayaasha waddooyinka oo liita.
Gobolka Soomaalida, oo ah halka ay wabiyadu buux dhaafiyeen, ayaa ah meelaha ugu daran ee ay saameeyeen, waxaana ku barakacay ugu yaraan 51,000 oo qof, sida ay sheegtay OCHA. ■